Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo ay kamid yihiin.

Kulanka golaha ayaa lagu cambaareeyay faragalinta Kooxda Xasan Sheekh Maxamuud ay ka wado gobolka Gedo taas oo ay ugu danbaysay weerarkii ay ku qaadeen xarunta Degmada Baardheere iyo Saldhiga Booliska Degmada iyagoo adeegsanaya CXD Isla Markana halkaas uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Golahu wuxuu uga tacsiyeeyay ehelada dadkii ku waxyeeloobay dhacdadan foosha xun sidoo kalana ay dabo socdaan abaabulo beelaha Degmada la isku hubaynayo taas oo masuuliyada waxa ka dhasha ayna cidna la wadaagi doonin Kooxda Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa golahu uu ka digayaa abaabulka hubaysan ee ka socda Degmooyinka Garbahareey iyo Beledxaawo kuwaas oo sababi kara colaado daba dheeraada iyo in dhiig uu ku daato masuuliyada wixii ka yimaadana ay Kooxda Xasan Sheekh Maxamuud qaadi doonto.

Waxaa kale oo golahu wuxuu ka hadlay xayiraadaha duulimaadyada oo si toos ah u saamaynaya shacabka ree Jubaland isla markana aan ilaa hada saamayn ku yeelanin masuuliyiinta iyo Madaxa Dowladda Jubaland taas oo muujinaysa cadaawada iyo nacaybka Kooxda Xasan Sheekh ay u qabaan shacabka ree Jubaland oo meelo badan oo kamid ah wali ay xayiranyihiin duulimaadyada shacabka.

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish iyadoo loo baahan yahay in aan loo kala harin garab istaaga Dowladda iyo Shacabka Puntland si looga adkaado Kooxda Daacish.

Ugu danbayntii Golaha waxaa kale oo ka digayaa ogaysiinayaana dhammaan Ummada Soomaaliyeed in jahada dalku uu ku socdo ay tahay mid halis ah isla markana colaadaha iyo duulaanada qaawan ee ay abaabulayaan Kooxda Xasan Sheekh ay yihiin kuwo aan u adeegaynin danta dadka iyo dalka hadii hada aan la daba qabanina Soomaaliya ay gaari karto meel halis ah.

War-Saxaafadeed

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo abaal-marin guddoonsiiyay Ciidamada Mareykanka 

Booqashadan ayaa imaneysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 08:59AM

Dagaal culus iyo qaraxyo gaadiid ah kadib Al-Shabaab oo la wareegtay Moqokori

Waa degmadii labaad oo dowladda laga saarey tan iyo horaantii sanadkan, taasoo dhabar-jab ku ah maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    07-07-2025

  • 01:23PM