Jubaland: Farmaajo wali kama waantoobin carqalad abuur

Image

KISMAAYO, Jubaland - Dowladda Jubaland oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa si adag u cambaareysay ciidanka dowladda federaalka ku daabushay gobolka Gedo.

"Waxaa shalay taariikhdu ahyad 19-ka Maarso, 2021 hub, gaadiid dagaal iyo ciidamo laga dejiyey degaanada Daawo ee gobolka Gedo  oo awalba la il-darnaa maleyshiyaad dowladdu federaalk  halkaasi geysay oo dagaallo ku riday una geystay shacabka degaanadaas boob iyo barakicin," ayaa lagu yiri bayaanka oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee madaxwayne Axmed Maxamed Islaam.

Ciidamadan, hubka iyo gaadiidka laga dejiyey gobolka Gedo ayaa laga qaadey Muqdisho, waxaana qeybtood yihiin xubno hore ee Al-Shabaab oo la dhaqan-celiyey.

Maamulka sidoo kale ayaa ku eedeysay Farmaajo "in uusan wali ka waantoobin dagaal oogid, abuurid carqalado horleh iyo ku tumashada dastuurka iyo sharciyada dalka".

Eedeynta ayaa imaaneysa saacado kadib markii Farmaajo uu iclaamiyey shir ay kawada qeybgalayaan maamulada oo xal loogu raadinayo muranka doorashooyinka.

"Waxaa ayadana ayaan darro ah in ayaddoo waddanka ku jiro xilli kala guur dhamaadayna muddo xileedkii madaxweynaha, iyo goleyaasha sharci-dejinta cid walba oo Soomaaliya daneynaysana ay ku baaqeyso doorasho loo-dhan-yahay uu madaxweynuhu waqtigiisu dhamaadey weli ka waantoobi la'yahay dagaal oogid, abuurid carqalado horleh iyo ku tumashada dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka u yaala," ayaa la raaciyey.

Qoraalka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu daray: "Arrimahaas looga gol-leeyahay jabinta heshiis walba oo looga gudbi lahaa is-mari-waaga jira".

Xilli ay xustey in Farmaajo qaadayo cawaaqibka "xadgudubkaas aan waligiis ka hareyn", Jubaland ayaa Soomaalida iyo caalamka ku boorisay in ay taageeraan xalka.

Hoos ka akhriso qoraalka Jubaland

Fahfaahinta kula soco wararkeena dambe

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM