Jubaland iyo Beesha Caalamka oo is-afgarad ka gaarey doorashada

Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan kula qaatay hab maqal iyo muuqaal ah Wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilada Qaramada Midoobay Midowga Yurub iyo Safiirada dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Itoobiya iyo Danjirayaal kale.

Ujeedada kulankan ayaa ahaa sidii loo dardar galin lahaa Arimaha muhiimada u leh xaalada hada lagu jiro gaar ahaan Amaanka iyo Doorashooyinka.

Masuuliyiintu waxay isla soo qaadeen sida ay ahmiyada weyn u leedahay in wada hadal lagu dhameeyo is marin waaga ka taagan Arimaha Doorashooyinka taas oo ah xalka ugu haboon ee laga gudbi karo waqtigan kala guurka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM