Jubaland iyo Ingiriiska oo fadhi ka yeeshay doorashooyinka

Image
Image
Image
Image
Sidoo kale, is-aragan waxaa lagu soo qaadey saameynta Abaaraha qaybo kamid ah maamulkan.

KISMAAYO, Jubaland – Madaxweymaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo kula shiray safiirka UK ee Soomaaliya, Kate Foster iyo wafdi ay hogaamineyso oo gaaray magaaladaas.

Shirka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada qorshaynta Jubbaland Maxamed Cumar Jaamac, wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed iyo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha, Axmed Xuseen Baraki.

Axmed Madooble ayaa kala hadlay Kate Foster iyo xubnaha kale ee la socday laba arimood oo ku qotomay abaaraha iyo doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu faah faahiyey kulankan, waxaana lagu sheegay in diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay abaaraha.

"Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka ku nool deegaanada qaar, Dowlada Jubaland ayaa bilihii lasoo dhaafay gurmad baaxad leh ka samaysay abaaraha iyadoo kaalmo kala duwan gaarsiisay dadka ay dhibaatadu gaartay," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Sidoo kale qoraalka ayaa markale lagu yiri “Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay arrimaha doorashooyinka golaha shacabka oo qaybo badan oo dalka kamid ah kasocda".

Jubbaland oo haatan ku jirto doorasho ayaa waxaa ku dhuftay abaar saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan saddexda gobol ee Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM