Jubaland: Madaxda DF ha kala saareen doorashada iyo ololahooda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda dowladda federaalka ah waa in ay fuliyaan heshiiska ay la galeen hogaanka Jubaland ayna ciidamada ka saaraan gobolka Gedo, sidda uu cod dheer ugu baaqay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda iyo maamulada ayaa xeerinaya in doorashadda ay ka qabsoonto laba magaalo. Jubaland waxaa loo qorsheeyay in ay ka kala dhacdo Gabahaarey iyo Kismaayo, xarunta aan rasmiga ahayn.

Garbahaarey oo ka tirsan gobolka Gedo waxaa xoog ku haysta ciidamo iyo mas'uuliyiin saraakiil ah oo ay dirtay dowladda waqtiga kasii dhacayo.

Mr Islaam oo Sabtida maanta ah ku laabtey magaala madaxda ku meelgaarka ah ee Kismaayo ayaa si cad u sheegay in aysan doorasho qabsoomi karin inta ay ciidamada qaabka "jabhadda" u abaabulan ka taliyaan gobolkaas.

"Dadka maanta mas'uuliyada haya gaar ahaan Madaxweynaha waa in ay kala saaraan habraaca doorashadda iyo ololahooda siyaasadda waa in uu kala laba noqdaa. Ma dooneyno doorasho ku dhaceysa harqaan baan tegayaa dharkaan sidaan ha la iigu tolo; ma dhaceysa taasi," ayuu cod dheer ku yiri.

Waddanka ayuu ka dhawaajiyey in uu u baahan yahay "badbaado"; hadii khilaafka ka taagan doorashada sii daba-dheeraado wuxuu ka digay qalalaase.

Intii uu shirka jaraa'id ku jiray, Axmed ayaa si cad wuxuu u taageeray baaqii murashaxiinta ee ku aadanaa in coddeynta noqoto mid daahfuran.

Midowga Murashaxiinta madaxtinimada doorashooyinka 2020-21 oo bayaan kasoo saarey shir ay ku yeesheen Muqdisho ayaa dalbaday in ciidamada laga soo saaro gobolka Gedo si coddeynta u noqoto mid lagu kalsoonaan karo.

Dowladda Ruushka oo warbixin ka jeedisay shir todobaadkii hore uu yeeshey Golaha Ammaanka ayaa Villa Soomaaliya ku boorisay in ay soo celiso xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Jubaland si doorashada u qabsoonto.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo fulineysa qorshaha soo laabashada Farmaajo ayaa damacsan in ay afduubato Xildhibaanada kasoo galaya gobolka Gedo si ay madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo ugu hiiliyaan sanduuqa codka.

MUUQAALKA AXMED MADOOBE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM