Jubaland oo difaacday Aqalka Sarre kuna baaqdey in la hakiyo xeerarka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlad goboleedka Jubaland oo difaacday falcelintii Aqalka Sarre ee xeerarka loo qaybiyey Golaha Shacabka ayaa ku baaqday in la hakiyo akhriska, ka doodista iyo coddeynta shuruucdaas.

Guddoonka Senate-ka oo sheegay in afarta xeer doorasho ee loo gudbiyey Aqalka Hoose aysan ahayn nuquladii saxda ahaa ayaa ku eedeeyay gudoonka Golaha Shacabka "in uu qaatay go'aan siyaasadeed".

Afarta xeer oo khuseeya dhameystirka sharciga doorashada oo laba kamid ah la ansixiyey ayaa kala ah; Asteynta Kuraasta baarlamaanka, metelaada gobolka Banaadir, qoondada haweenka iyo gobolada waqooyi.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe, Jubbaland ayaanan aqbali doonin xeer doorasho oo kasoo baxa Golaha Shacabka oo aan laga talogelin daneeyeyaasha.

Sidoo kale, waxaa in ay aqoonsato shuruucdaas ay shuruud uga dhigtay in ay soo maraan habraaca xeer-dejinta waddanka oo ay kamid tahay in labada Gole ee baarlamaanka ay siyaabo kala duwan uga doodaan.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in Jubbaland oo aaminsan in qalqal siyaasadeed iyo dib-u-dhac weyn ay ka dhalan karto hadii xeerarkaas aysan marin nidaamkaas ay ku baaqeyso in laga wada shaqeeyo in la waafujiyo.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, afhayeenka Aqalka Sarre, ayaa sheegay in xeerarka laga bedelay qodobo badan, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay in meesha laga saarey kaalintii golahooda iyo saxiixa madaxweynaha.

Hase ahaatee, mudaneyaal ka tirsan golaha oo dhankooda beeniyey sheegashadaas ayaa ku adkeystay in "warqadda dheer ee Cabdi Xaashi Cabdullaahi soo saarey ay tahay mid dano siyaasadeed laga leeyahay".

Sikastaba ha ahaatee, waa caado iyo dhaqan soo jireen in marka la gaaro xilliga kala guurka ama dhamaadka muddo xileedka dowladda ay bateen eedeymaha iyo jawaabaha, balse xalka wuxuu ku jiraa wadatashi.

Hoos ka akhriso bayaanka Jubbaland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM