Jubaland oo difaacday Aqalka Sarre kuna baaqdey in la hakiyo xeerarka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlad goboleedka Jubaland oo difaacday falcelintii Aqalka Sarre ee xeerarka loo qaybiyey Golaha Shacabka ayaa ku baaqday in la hakiyo akhriska, ka doodista iyo coddeynta shuruucdaas.

Guddoonka Senate-ka oo sheegay in afarta xeer doorasho ee loo gudbiyey Aqalka Hoose aysan ahayn nuquladii saxda ahaa ayaa ku eedeeyay gudoonka Golaha Shacabka "in uu qaatay go'aan siyaasadeed".

Afarta xeer oo khuseeya dhameystirka sharciga doorashada oo laba kamid ah la ansixiyey ayaa kala ah; Asteynta Kuraasta baarlamaanka, metelaada gobolka Banaadir, qoondada haweenka iyo gobolada waqooyi.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe, Jubbaland ayaanan aqbali doonin xeer doorasho oo kasoo baxa Golaha Shacabka oo aan laga talogelin daneeyeyaasha.

Sidoo kale, waxaa in ay aqoonsato shuruucdaas ay shuruud uga dhigtay in ay soo maraan habraaca xeer-dejinta waddanka oo ay kamid tahay in labada Gole ee baarlamaanka ay siyaabo kala duwan uga doodaan.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in Jubbaland oo aaminsan in qalqal siyaasadeed iyo dib-u-dhac weyn ay ka dhalan karto hadii xeerarkaas aysan marin nidaamkaas ay ku baaqeyso in laga wada shaqeeyo in la waafujiyo.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, afhayeenka Aqalka Sarre, ayaa sheegay in xeerarka laga bedelay qodobo badan, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay in meesha laga saarey kaalintii golahooda iyo saxiixa madaxweynaha.

Hase ahaatee, mudaneyaal ka tirsan golaha oo dhankooda beeniyey sheegashadaas ayaa ku adkeystay in "warqadda dheer ee Cabdi Xaashi Cabdullaahi soo saarey ay tahay mid dano siyaasadeed laga leeyahay".

Sikastaba ha ahaatee, waa caado iyo dhaqan soo jireen in marka la gaaro xilliga kala guurka ama dhamaadka muddo xileedka dowladda ay bateen eedeymaha iyo jawaabaha, balse xalka wuxuu ku jiraa wadatashi.

Hoos ka akhriso bayaanka Jubbaland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM