Jubaland oo diidey sharciyo uu ansixiyey baarlamaanka Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka Khamiislaha ah ee golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland.

Shirka ayaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro kooxda Argagixisada Al Shabaab, arrimaha qabyo tirka Dastuurka iyo Hindise sharciyeedka gudniinka fircooniga ah oo ay so gudbisay wasaaradda haweenka Jubbaland.

Golaha wasiirada Jubbaland ayaa dood dheer ka yeeshay qodobka Dastuurka ee ay Dowladda Federaalku gudbisay kuwaasoo ay ka mid yihiin sharciyada Batroolka, warfaafinta iyo Doorashooyinka, waxaana ay goluhu ansaxiyeen in Dowlad goboleedka Jubbaland aysan qayb ka aheyn wixii kasoo baxana aanay shuqul ku lahayn.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Gudniinka Fircooniga oo ay soo gudbisay wasaaradda haweenka Jubbaland.

Waxaa kaloo ay goluhu ka doodeen dagaalka lagula jiro Al shabaab, waxaana ay goluhu go’aamiyeen in cid kasta oo abuusha kana shaqaysa hurinta dagaal ay ula mid yihiin Al-shabaab lana dagaalami doonaan.

Golaha wasiirada Jubbaland ayaa intii shirkoodu socday waxay ka tacsiyeeyeen khasaaraha ciidanka xoogga dalka iyo dadka rayidka ah kasoo gaaray dagaalkii ay kooxaha cadowgu ka geysteen gobolka Shabeellaha Hoose.

Markii uu shirku soo idlaaday ayaa waxaa qodobadii kaso baxay warfidiyeenada u akhriyey Wasiirka warfaafinta Jubbaland Eng. Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, wuxuuna wasiirku sheegay in shirka kusoo idlaaday sidii loo qorsheeyey.

Madaxtooyadda Jubaland

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM