Jubaland oo dishay xubno iyo saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab
KISMAAYO, Jubbaland – Dagaalameyaal 20 gaaraya iyo laba sarkaal oo Al-Shabaab ka tirsanaa ayaa lagu dilay howlgal ay ciidanka Jubbaland ay ka sameeyeen duleedka Galbeed ee Kismaayo.
Abaanduulaha Guutada 1-aad ee Ciidamadda, Khiyaar Cabdi Maxamed, ayaa tilmaamay in gulufka uu ka dhacay degaanka Cabdalla Biroole oo 55 KM u jirta caasimadda ku meel gaarka ah.
Saraakiisha la khaarijiyey oo lagu kala magacaabo Tasmiir iyo Cadaani ayaa kala ahaa; madaxii Al-Shabaab ee deeganada Galbeed ee xarunta gobolka Jubadda Hoose iyo madaxii Miinooyinka.
"Ciidamada Daraawiiishta Jubbaland ayaa hadda gacanta ku haya isla markaana xaqiijiyay amaanka Tuulooyinka hoos yimaada degaanka Cabdalla Biroole," ayuu u sheegay Jubbaland Tv.
Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan sheegashadan oo kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha gacansaarka tooska ah la leh shabakadda balaaran ee argagixisadda ah, Al-Qaacidda.
Goboladda Jubooyinka ee Koonfurta Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ay joogitaanka ugu badan ku leeyihiin horjoogeyaashan ururka oo Kismaayo laga xoreeyay sanadkii 2011-kii.
Howlgalada ka dhanka ah oo wali sii socda ayaa waxaa iska kaashanaya Mareykanka oo duqeyn dhanka cirka ah fuliya iyo xoogaga dowladda federaalka oo ay wehliyaan kuwa maamulka.
GAROWE ONLINE