Jubaland oo fahfaahisay shuruud ay ku xirtay furitaanka shirka Muqdisho

Image

KISMAAYO, Jubaland – Jubaland ayaa fahfaahin ka bixisay shuruuda ku xiray furitaanka wada-xaajoodka doorashooyinka 2020-21 ee Muqdisho kaasoo ah in gobolka Gedo laga saaro ciidanka dowlada federaalka.

Maxamed Axmed Sabriye, agaasimaha warfaafinta Madaxtooyadda maamulka Axmed Madoobe oo bayaan soo saarey, ayaa tibaaxay in saarista ciidanka qeyb ka ahaa heshiis lagu gaarey shirkii Dhuusamareeb 2.

War-saxaafadeedkaas nuqul kamid ah uu arkay GO ayaa lagu caddeeyay in madaxweyne Axmed Maxamed Islaam uusan geli karin heshiis ku saabsan coddeynta 2020-21, iyaddoo ciidanka aan la saarin.

"Shirkii Dhuusamareeb2 waxay Madadxda DFS iyo Jubaland heshiiyeen inta aan shirka Dhuusamareeb3 la isugu imaanin in xal rasmi ah laga gaaro arrinta gobolka Gedo, ciidamadana laga saaro si looga heshiiyo nooca doorasho ee dalka ka dhici karta. Heshiiskaasi wuxuu ka fuli waayey xaga DFS oo aan wax tallaabo ah qaadin, taas badalkeedana maalinkasta carqalad iyo ami darro gobolka kasii wadda," ayaa lagu bidhaamiyey warkaas qoraalka ah.

Sabriye ayaa intaas wuxuu ku daray: "Sidaa darteed Madaxweynaha Jubaland miiska wada hadalka kuma fadhiyo Jubbaland-Gedo ka maqantahaye wuxuu ku fadhiyaa Jubbalandta guud, heshiiska Doorasho ee uu la gali karo DFS wuxuu imaan karaa kadib marka gobolka Gedo gacanta Jubaland lagu soo celiyo isla markaasna nooca farsamo, amni iyo goobaha Doorashadu ka dhici karto gobolkaasna Jubaland masuuliyadeeda yeelato".

"Magacana wado maamulkana daa meel ma wada gashee meel isugu bayra/baydha," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Dowladda Farmaajo ayaa Gedo waxay ku qabsatay ciidamo ay ka daabushay magaala madaxda Muqdisho, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay kala direen mas'uuliyiintii degmooyinka gobolka u magacowday Jubaland.

Xilli uu ku wehliyo madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Talaadadii todobaadkan wuxuu Muqdisho u tegay xal u helida arrimaha isku cakiran ee doorashooyinka.

Shir lagu wadday in ay habeenkii Arbacada la qaataan Farmaajo ayaa dib u dhac uu ku yimid sabab ku aadan laba qodob oo Puntland iyo Jubaland miiska saaraan oo tan labaad tahay kusoo biiriada madaxda maamulada kale.

Villa Soomaaliya iyo taliska hay’adda nabad-sugida ee NISA ayaa waxaa la wareegay Gedo markii ay ku fashilmeen faragelinta dib u doorashadii Axmed Madoobe, waxaana hadafkoodu ahaa in ay ku galaan gorgortan siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM