Jubaland oo qabsatay degaan muhiim u ahaa dakhliga Al-Shabaab

Image

KISMAAYO, Jubaland – Taliska ciidamada dowlad goboleedka Jubaland ayaa ka dhawaajiyey in ay dagaalameyaasha Al-Shabaab ka qabsadeen degaan muhiim ah oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ayaa lagu xusay in ciidamada ay si nabad ah kula waregeen tuulada Jannaa Cabdalle oo qiyaastii 60 KM u jirta magaala madaxda ku meelgaarka ah ee Kismaayo.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in Al-Shabaab ay degaanka u adeegsan jireen isu socodka koonfurta iyo waqoyga Jubbooyinka isla markaana ay ku lahaayeen bar ay dhaqaale kaga qaadaan gaadiidka dadweynaha.

Degaanka Jannaa Cabdalle oo aan la ogeyn hadii ciidamadda baaqi kusii ahaan doonan ayaa u dhaxeeya degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow.

"Ciidamada ayaa ku guda jira sidii dadka Shacabka ah ay si Nabad ah ugu kala gooshi lahayeen wadada dheer ee xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow halkaas oo dhibaato adag ay dadka Shacabka ah ugu gaysan jireen Kooxda Al-Shabaab," ayay tabisay warbaahinta Jubaland Tv.

Isagoo la hadlayey ciidamo tababar uu ugu soo xiray duleedka Kismaayo, madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Talaadadii asbuucii hore wuxuu sheegay in ciidanka ku garab istaagayo howlgalka.

"Kama war-wareegi doono in aan idin kugu soo booqdo furimaha dagaalka ka dhanka ah cadowga," ayuu munaasabada ka yiri, isagoo iclaamiyey guluf cusub oo degaanada ka maqan uga saarayaan argagixisadda.

Al-Shabaab ayaa haatan gacanta ku haysa degaano dhowr ah oo hoostaga maamulka Jubaland, waxaana badankooda ay ka tirsan yihiin gobolka Jubada Dhexe oo ah fariisinka ugu weyn ee xoogaga xiriirka la leh ururka Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM