Jubaland oo ka falcelisay diidmada DF ee guddiyadda
KISMAAYO, Jubaland – Maamulka Axmed Madoobe ayaa wuxuu ku dhawaaqay mowqifkiisa ku aadan diidmadda dowladda federaalka ee ku aadan xubnaha ku metelaya guddiyadda doorashooyinka ee ay shaaciyeen Puntland iyo Jubaland.
Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, wasiirka warfaafinta Jubaland oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa ku tilmaamay diidmadaas mid salka ku haysa feker muddo kororsi ah oo uu madaxweyne Farmaajo damacsan yahay.
Mr Maxamed oo sii hadlaya ayaa intaas ku daraya in diidmadaas ay "kamid tahay xujo kamid ah caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashooyin xalaal ah".
Xukuumadda federaalka ayaa todobaadkii hore waxay xustey in aysan soo gaarin liis rasmi ah oo ku saabsan xubnaha Puntland iyo Jubaland ku metelaya guddiyadda doorashooyinka oo ay warbaahinta kaga dhawaaqeen.
Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah dhamaanayo ayaa qoraal ay soo saartey ku shaacisay in maadaama aan lasoo marsiin habraaca rasmiga ah aysan sharci ahayn magacaabida".
Dhanka kale, wasiir Maxamed ayaa soo dhaweeyay shirka uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo balse wuxuu ku sifeeyay "mid loo baahnaa soo soo daahay". Kulankaas wuxuu Dhuusamareeb ka dhacayaa 1-da iyo 3-da Febraayo.
Mar la waydiiyey hadii ay ogolaanayaan in ajandaha shirka lagu daro 13-ka kursi ee madaxweyne Farmaajo u saxiixay gobolka Banaadir, wasiirka ayaa muujiyey in aysan aqbali karin maadaama aysan kamid ahayn ajandaha shirarkii hore.
"Madaxweynuhuna wuxuu sheegay in shirka kaliya looga hadlayo natiijada shirarkii hore. Marka hadii lagu soo daro waxay noqoneysaa is-burin," ayuu tibaaxay, isaga oo aan si furan uga dhawaajin in ay naqdinayaan hadii ay dhacdo.
Shirka lagu waddo in uu Dhuusamareeb ku qabsoomo ayaa loo arkaa fursadii ugu dambeysay ee hogaamiyeyaasha Soomaalida uga badbaadin karaan in waddanka ku dhaco firaaq dastuuri ah maadaama 8-da Febraayo aad u soo dhawaatay.
GAROWE ONLINE