Jubaland oo ka hadashay kiiska bada Soomaaliya iyo Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Jubaland ayaa Talaadada maanta ah waxay shaaca ka dhigtey in ay si weyn u taageereyso dacwadda badda Soomaaliya iyo Jubaland.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooaydda, madaxwayne Axmed Madoobe ayaa rajeynaya in Soomaaliya ay labinta ku hesho gal-dacwadeedkas.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa sheegay in Xukuumada iyo Shacabka Jubaland ay garab taaganyihiin sidookalena rajo weyn ka qabaan in ay guulaysato dooda dalkeena ee aan kusoo ceshaynayo badeena ay muranka galisay Kenya," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Waxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka".

"Dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wadajira," ayay ku dareen.

Waxaa lagu soo xiray: "Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca Baddeena taas oo ah masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah".

Dhawaqa Jubaland oo noqonaya markii ugu horeysay oo ay ka hadasho kiiskan ayaa imaanaya xilli ICJ ay maalintii labaad ka soconeyso dhageysiga kiiskan kaasoo Kenya ay qaadacdey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM