Jubaland oo ka hortagtay qaraxyo la doonayey in Doon lagu gudbiyo

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Hay'adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in ay ka hortagtay isku la doonayey in lagu gudbiyo qaraxyo iyaddoo la adeegsanayo Doon nooca yar.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook ee NISA-Jubbaland ayaa falkaan lala xiriiriyey maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

"Ciidanka Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa fashiliyay isku day ay doonayeen kooxda argagixisadda Al-Shabaab in ay miino ku soo gudbiyaan ayagoo ka soo gudbaya wabiga aaga Yoontooy iyo Buula-gaduud u dhaxeysa," ayaa lagu yiri bayaanka oo koobnaa.

Waxaa la raaciyey: "Ciidanka oo xogta cadawga hayay ayaa weerar qorshaysan ku qaaday kooxdii miinada damacsanayd in ay soo gudbiyaan iska hor imaad daqiiqado socday kaddib argagixisadda ayaa goobta iskaga carartay waxaana gacanta lagu soo dhigay laba nooca miinada dhulka lagu aaso iyo dooni yar oo ay doonayeen in ay ku soo gudbiyaan miinooyinka".

"Hawlgalkan waxaa uu ka dhacay gediga kale ee wabiga Jubba," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka oo aan lagu caddeynin hadii uu jirto khasaaro soo gaarey dagaalameyaasha Al-Shabaab iyo ciidanka Jubaland.

Marka laga soo tago sheegashadda maamulka Axmed Madoobe, ma jiro wax war ah oo ku saabsan oo kasoo baxay Al-Shabaab.

Hay'addaha ammaanka Jubbaland ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay sarre u qaadey howlgaladda lagu baacsanayo xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida, kuwaas oo haysta qaybo kamid ah maamulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM