Jubaland oo shan qodob kasoo saartay "duulaanka" DF ee Gedo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Maamul goboleedka Jubaland ayaa qodobo kasoo saarey "weerarka qaawan" ee dowladda federaalka "ku qaadey gobolka Gedo".

Qodobadan ayaa kasoo baxay Shirka Golaha Xukuumadda, oo uu gudoomiyey madaxweyne ku xigeenka labaad, Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud.

Qodobada ayaa kala ahaa;

In maamulku cambaareynayo "duulaankaas"

In faragelinta dowladda federaalku ka dhasheen khalkhal amni iyo colaad beeleedyo sababeysa in ay dib u soo noqdaan dagaaladii sokeeye

In Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamku ogeysiinayo in dowladda federaalka gacmaha ka laabatay la dagaalankii argagixisada ayna caadeysatay burburinta dowlad goboleedyadda ee dagaalka ba'an kula jiray argagixisada

Goluhu wuxuu ansixiyey in ciidamadda ay si buuxda u galaan heegan guud, si looga hortago duulaanadaas xukuumadda federaalka kusoo qaadey dowlad goboleedka Jubaland

In cawaaqib-xumada ka timaada "faragelintaas" ay mas'uul ka noqoneyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

Dhanka kale, wasiiradda oo sheegay in xukuumada "ay waxbarashadda u maamusho qaab dhexe" ayaa ku baaqay in aanan la siyaasadeyn tacliinta.

Ugu dambeyntii, golaha wasiiradda ayaa cod wadar ogol ah isugu raacay muhiimada ay leedahay in waxbarashada lagu maamulo nidaamka federaalka.

MUUQAALKA GOLAHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM