Jubaland oo sharaxdey shuruudaha ay soo bandhigtey

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyey shuruudo uu ku xiray in uu ka qeybgalo shir dambe oo looga arrin-sanayo sidii xal loogu heli lahaa is-faham-waaga ka taagan doorashooyinka dalka.

Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, wasiirka warfaafinta Jubaland, ayaa meesha ka saarey in shuruudahaas ay u yihiin kama dambeys, balse wuxuu xusay "in hadii la helo talo nagala badan yahay oo wanaagsan waanu raaceynaa".

Shuruudaha Jubaland soo bandhigtay ayaa ahaa shan qodob; raaligelin laga bixiyo weerarkii musharaxiinta, in goob ay amnigeeda damaanad-qaadeyso Beesha Caalamka ku qabsoomo shirka, in Farmaajo uusan wax door ah ku yeelan hanaanka doorashooyinka, in damaanad-qaad loo helo fulinta qodobadii lagu heshiiyo iyo in saamileyda oo dhan ay kawada qeybgasho shirka.

Isaga oo ka hadlayey marti-gelinta shirka ee Muqdisho ayuu tibaaxay in aysan ku kalsoonan karin in ay dowladda federaalka maamusho, wuxuuna cuskaday in dhacdadda 19-kii Febraayo ay burburisay kalsoonida Villa Soomaaliya.

"Meel lagu weeraray Midowga Musharaxiinta oo qabanayey banaanbax nabadeed oo sharciga uu hoos maray oo xoog, maquunin iyo ciidan ay gaartey ma ahan meel uu dhici karo shir hadii Beesha Caalamka meesha ay degan tahay Xalane ama goob kale oo damaanad-qaad amni leh uusan ku qabsoomeyn," ayuu u sheegay Idaacada Subaxnimo ee Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.

Wasiirka oo ka jawaabayey su’aal ku saabsaneyd cidda ay badqabkooda uga baqayaa Al-Shabaab ama dowladda federaalka ayaa yiri "Baqdin ma jirto. Waxa la raadinayo waa in shirka lagu qabto meel ay amni ku dareemayaan siyaasiyiinta iyo saamileyda Beesha Caalamkana ay joogto; waa in meel amni ah ay tahay".

"Qaabka kaliya ee mar-xalada looga bixi karo waa in Beesha caalamka shirkan garwadeen ka noqoto. Dadka Beesha Caalamka diidan waa dadka doonaya in ay wax qasaan, wax maroorsadaan, wax laayaan oo xoog wax ku haystaan laakiin intaas ayay Soomaali caawinayeen oo ay qarash-gareynayeen yaan la diidin," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka warfaafinta maamulka Jubaland.

Jubaland iyo Villa Soomaaliya ayaa si weyn isugu haya gobolka Gedo halkaas oo madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo doonayo in uu kasoo saarto Xildhibaanada taabacsan, taas oo burburisay dedaaladii maxaliga ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM