Jubaland oo sheegtay in ay fashilisay "weerar argagixiso"

Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Jubaland ayaa Isniinta maanta ah waxay shaaca ka dhigtey in ay fashilisay weerar argagixiso oo lagu dhex-maleegay magaala madaxda kumeelgaarka ah ee Kismaayo.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook ee NISA-Jubaland ayaa lagu sheegay in weerarkaas la qorsheeyay in loo adeegsado qarax miino oo lagu rakibo gaari uu leeyahay mid kamid ah ganacsatada magaalada.

Balse, hay'adda ayaan soo bandhigin magaca ganacsadaha la doonayey in la khaarijiyo iyo kooxda rasmi ahaan ka dambeysay weerarkaas.

War-saxaafadeedka ayaan lagu kala caddeyn hadii qarax miino ee ay fashiliyeen ay gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaadkii isku-dabariday.

"Hay'adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubaland ayaa Fiidnimadii xalay fashilisay Miino nooca Gaadiidka lagu dhajiyo ah oo lagu xiray gaari uu lahaa mid kamid ah ganacsatada Magaalada Kismaayo. Waxaana lagu guuleystay in laga furo miinadii iyada ooo aan waxba soo gaarin gaarigii," ayay tiri Hay'adda.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa aalaaba weeraro ka fulisay Jubbooyinka.

Howlgalka lagu fashiliyey weerarkan ayaa qayb ka ah dhaqdhaqaaqyo muddooyinkii dambe ay wadeen ciidamadda Jubaland kuwaasoo ujeedkoodu yahay in lagu adkeeyo nabad-gelyada kahor doorashooyinka heer Qaran ee 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM