Jubaland oo Wadahadal ugu baaqdey dowladda Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Soomaaliya  - Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubbaland, General Yusuf Dhuumaal ayaa sheegay in maamulku uu diyaar u yahay in la xaliyo khilaafka kala dhaxeeya dowlada dhexe oo uu sheegay inuu uu saameyn dhinaca amniga ku yeeshay Jubbaland.

Wasiirka oo VOA ay wareystay ayaa ka hadlay soo noqoshada uu Kismaayo ku soo noqday Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo dalka Kenya ku maqnaa.

Jubaland ayaa dowladda Federaalka isku khilaafeen nidaamka doorashaddii ka dhacday sanadkii hore magaaladda Kismaayo, oo Villa Somalia rabtay in loo qabto sida ay doonaysay ee ah qof iyo cod iyo arrimaha dastuurka oo dood badan ka taagan tahay.

Axmed Madoobe ayaa la kulmay cadaadis badan markii uu ka baxay Shirarkii wadatashiga, islamarkaana joojiyay wada-shaqeyntii dowladda Federaalka, oo mudo-kordhin sharci-darro ah raadinaysa, iyadoo ka dhiganaysa marmarsiiyo doorasho qof iyo cod ah inay qaban doonto.

Kala qeybsanaan xooggan oo siyaasadeed iyo khilaafaad badan ayaa ka jira Soomaaliya, oo ka timid hogaanka Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay jebinta qodobo dastuurka kamid ah iyo wadatashi la'aan, isagoo isku dayay inuu awood ciidan u adeegsadao Axmed Madoobe, oo duulaan ku qaadey Jubaland, balse looga adkaadey.

GAROWE ONLNE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM