Jubaland oo Wafdi Wasiirro ah ka dejisay magaalada Doolow

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wararka laga helayo Jubbaland ayaa sheegaya in wafdi isugu jira Wasiirro iyo Xildhibaanno, islamarkaana katirsan maamulkaasi ay maanta gaareen magaalada Doolow ee gobalka Gedo iyadoo warar kala duwanna ay ka soo baxayaan qaabka ay halkaasi ku tageen.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in wafdigaan ay ka soo ambabaxeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, iyagoo duulimaad toos ah ku tagay magaalada Doolow, waxaana la is weydiinayaa halka uu ku danbeeyay xayiraaddii ay dowladda federaalka ah saartay magaaladaasi dhowaan.

Diyaaradda maanta ka degtay Doolow ee sidday wafdigan ayaa ah diyaaradaha qaada rakaabka ee isaga kala goosha gobolada dalka balse aan ka diiwaan gashneen Soomaaliya.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka DF oo ku saabsan diyaaraddaan sida toos ah ka uga degtay magaalada Doolow ee gobalka Gedo.

Amar ka soo baxay DF ayaa lagu joojiyay duulimaadyada tooska ah ee ka baxaya magaalada Kismaayo taas oo la doonayay in lagu cadaadiyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, balse waxaa muuqata in dowladda dhexe ay arrintaasi ku fashilantay.

Sidaan oo kale 2019kii waxaa jirtay in la mamnuucay diyaaradaha duulimaadyada tooska ah ku tagi jirey Kismaayo ama ka bixi jirey, hase ahaatee waqtigaas ma uusan dhaqan galin go,aankaasi oo waxaa jirtay in diyaarado ka imaanayay magaalada Nairobi ay toos uga degi jireen Kismaayo.

Hadda, waxaa jira khilaaf xoog leh oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kaas oo gaaray meeshii ugu xumeyd mana muuqato saan-saan lagu damin karo xiisaddaan xarkaha goosatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM