Jubaland oo ka jawaabtay hadal uu Madiera ugu gefay heshiiskii Nairobi

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Jubaland ayaa maanta oo Isniin ah soo saartey war qoraal ah oo ay kaga falcelisay khudbadii uu wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madiera u jeediyay 21-kii bishaan Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Maamulka ayaa muujiyay "in uusan wacneyn" hadalka Francisco Madiera oo ay ku jireen erayo xanaf leh, oo dhaawacaya kalsoonidii iyo dhexdhexaadnimadii uu ku joogay Soomaaliya, isagoo wakiil uga ah Midowga Africa.

Madiera, ayaa ku tilmaamay heshiiskii Madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubnaha mucaaradka ay ku saxiixeen Nairobi 23-kii April 2020 mid ay xubno hal beel kasoo jeeda gaareen, oo awooda ku qeybsanayaan, isagoo ku sifeeyay heshiis aan loo dhameyn.

Jubaland ayaa aad uga carootey hadalkan, waxayna sheegtay inuu dhaawacayo hanaanka dib u heshiisinta maamulka Jubaland, oo saaxiibada beesha caalamka aad usoo dhaweeyay markii Axmed Madoobe iyo xubno kale oo kasoo horjeeday ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyay.

"Qabiilka waa arrin aad xasaasi u ah, marka la eego kaalinta uu ka qaatey taariikhda colaadii dalka soo martay ee burburka laga dhaxlay, sidaas darteed sheegista magaca qabiil gaar ah uu sheegay xafiiska Midowga Africa waa arin muujinaysa faragelin siyaasadeysan, oo cawaaqib xun u keeni karta Jubaland iyo dalka Soomaaliya oo dhan," ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland soo saartay maanta.

Jubaland waxay ugu baaqday Madiera inuu u guto mas'uuliyadiisa si dhex-dhexaadnimo ku jirto kana fogaado wax kasta oo hagal-daacinaya dedaallada dib u heshiisinta iyo nabadeynta dalka.

Madasha Xisbiyada qaran ayaa 20kii bishaan warqad u dirtay Midowga Africa, iyadoo dalbatay in Madiera dalka laga saaro, kadib markii sida ay sheegtay uu ka weecday dhex-dhexaadnimada arrimaha gudaha Soomaaliya, oo faragelin ku sameynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM