Jubaland oo xiirika u jartay DFS, eedeymo culusna u jeedisay Xasan Sheekh

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Qoraal kasoo baxay Shirka Gollaha Wasiiradda Jubaland, ayaa lagu shaaciyay Maanta in maamulka Axmed Madoobe xiriirka u jaray dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana eedeymo culus loo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Jubaland ayaa ku eedeysay Xasan Sheekh musuq-maasuq, ku tagri-fal awoodeed, eex, hurin dagaal sokeeye iyo burburinta Ciidamada qaranka Soomaaliya, waxaana intaasi dheer inuu jebiyay dastuurka dalka iyo nidaamka Federaalka.

Waxay Jubaland shaacisay inaysan aqoonsanayn wax ka bedelka dastuurka lagu sameeyay iyo ansixinta uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay sharciyadda doorashooyinka oo ah kuwa u adeegaya hal xisbi iyo hal shaqsi, taasina ay ka dhigan tahay afegmbi ay damacsan yihiin madaxda hadda ku sugan Villa Somalia.

Tani waxay muujinaysaa inuu dalka sii galayo xaalad hubanti la'aan ah, iyadoo khilaafka siyaasadda caqabad ku yahay dagaalka AS iyo sugida amniga dalka, oo la filayo inay Ciidamada ATMIS ka baxaan bisha dambe dhamaadkeeda.

Sanadkii tagey, Puntland ayaa xiriirka u jartay dowladda dhexe, waxayna sheegtay inay iskeeda isku xukumayso illaa laga saxayo qaladaadka Villa Somalia ee ku tumashadda dastuurka iyo nidaamka federaalka.

Jubaland iyo dowladda Federaalka ayaa is dhaafsaday shalay qoraal maxkamadeed oo lagu soo xirayo Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, waxayna isku jeediyeen labada dhinaca eedeymo aad u culus, oo dhaawac ku ah qaranimada Soomaaliya, iyadoo sii kala fogeynaysa shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM