Jubaland oo xukunno ku ridday askar lagu eedeeyay dilka shacab

Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Maxkamada ciidamada Jubaland ayaa maanta oo Sabti ah waxay xukuno ku ridday askar lagu eedeeyay dil qof shacab ahaa loogu geystay duleedka Galbeed ee Kismaayo 22-ka bishii todobaad, sanadkan 2020.

Bashiir Maxamuud Xareed, gudoomiye ku xigeenka xeer-beegtadda, ayaa sheegay in xukunkan uu ku saleysan yahay qiraalka eedeysaneyaasha iyo caddeymo ay xeer-ilaalinta uruurisay tan iyo markii falkaas uu dhacay.

Faarax Cabdirashiid Cilmi, 45-jir ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta ee degaanka Cabdala Biroole, ayaa lagu xukumay dil toogasho ka gedaal markii uu qirtay dambiga ah in uu isagu ka dambeeyay khaarijintaas.

Maxamuud Rashiid Muxumed, 22-jir kamid ahaa isla ciidamada Daraawiishta degaanka Cabadala Biroole ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah markii ay ku cadaatay in uu ka qeyb-qaatay falkaas, wallow uu beeniyey.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cali Muxumed Mamad ayaa ahaa xoolo dhaqato. Balse, lama soo bandhigin sababta dhalisay dilkooda.

Sida laga soo xigtay gudoomiye Xareed, xukumaneyaasha ayaa sidoo kale waxay muddo kawadeen aaga falku ka dhacay falal amni darro ah.

Xukumaneyaasha ayaa baxsad ahaa in ka badan shan bilood, hase ahaatee, waxay ku fashilmeen in ay meel ka baxsan Jubaland tagaan, arrintaas oo maamulka u suurtagelisay in ugu dambeyntii uu gacanta kusoo dhigo labadoodaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM