Jubaland: Rayid ay caruur ku jiraan oo nafwaayay qarax miino

Image
Weerarkan lala xiriiriyey maleyshiyada Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxaa ku dhamaadey xoolo.

KISMAAYO, Jubaland - Ugu yaraan 10 qof ayaa ku nafwaayey qarax miino oo Jimcada maanta ah ka dhacay duleedka caasimada ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta ammaanka.

Afar kamid ah dadka geeriyooday ayaa ahaa haween, halka inta kale ay ahaayeen rag kuwaasoo laba ay ku jiraan laba caruur. Sidoo kale, waxaa ku dhamaadey xoolo loo waday in lasoo iibiyo.

Falkan ayaa ka dhacay tuuladda Gaaba-gabdhoole oo u dhaxeeya wadada isku xirta degaanadda Cabdi Dhoore iyo Beexaani oo hoostaga gobolka Jubada Hoose koonfurta Soomaaliya.

"Qaraxaas wuxuu asiibay baabuur Caanooley oo laga leeyahay Kismaayo. Kaliya waxaa ka badbaadey hal qof oo Karishboy ahaa. Waxaana ka dambeysay nimanka argagixisada ah," ayuu yiri sarkaal ciidan.

Qof kamid ah dadka degaanka ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da ayaa xaqiijiyey in labada caruur ee ku dhimatay dhacdadan loogu soo waday Kismaayo sababo xaalad caafimaad.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Balse, dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee noocaan ah lagana soo wariyey aaggan lana beegsadey ciidanka Jubalnad waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Deeqo Cabdi Aadan, oo kamid ah saraakiisha ciidamadda Jubaland ee u gurmadey dadka ay waxyeelada kasoo gaartey "musiibadan" ayaa rumeysan in bartilmaameedka uu ahaa ciidamadda sugaya amniga doorashada.

Rayidka ah ayaa ah dhibaneyaasha ugu badan ee weerarada lala xiriiriyo kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya. Dhowaan ayay ahayd markii fal noocaan kale lagana soo wariyey Rab-dhuure ay shacab ku leedeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM