Jubbaland iyo dowlada federaalka oo ka gorgortamaya Gedo

Image
Shuruudaha ugu waaweyn ee Jubaland wadato ee ay ku diidantahay dowladda federaalka ayaa ah arrinta gobolka Gedo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in ay hoosta ka socdaan wadahadalo biloow ah oo u dhaxeeya dowlad goboleedka Jubbaland iyo dowladda federaalka oo ku saabsan mustaqbalka gobolka Gedo oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada federaalka.

Jubbaland ayaa doonaysa in maamul ahaan lagu wareejiyo gobolka Gedo oo ay gacanteeda ka saartay dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xildhibaan la hadlay shalay warbaahinta gudaha oo lagu magacaabo Shire Cabdi ayaa sheegay in Jubbaland ay doonayso in ay soo magacaabato guddoomiyaha gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Ciidamada NISA ee Gedo jooga ayaa lagu amray in ay toos u hoos tagaan Muqdisho, maamulka meesha ka jirana uu la shaqeeyo dowladda federaalka illaa inta xal looga helayo arrinka murugsan ee taagan.

Shuruudaha ugu waaweyn ee Jubaland wadato ee ay ku diidantahay dowladda federaalka ayaa ah arrinta gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM