​Jubbaland iyo Galmudug oo soo saaray liiskooda Aqalka Sare

Image

Maamullada Jubbaland iyo Galmudug ayaa si rasmi ah u shaaciyay xubnahoooda u matalaya Aqalka Sare ee Barlamanka Federalka Somalia.

Xubnaha labada maamul soo saareen oo ka kooban 8 xubnood.

Jubbaland ayaa kuraastaas ku tar-tansiisay qaar kamid ah murashiixta booskan doonaya ee kasoo jeeda beelaha maamulkaasi daga.

Dhinaca kale Galmudug, ayaa soo saartay liis ay ku cadyihiin Sideed xubnood oo maamulkaasi u matali doona Aqalka Sare.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooya Cadaado, ayaa lagu sheegay xubnahan iyo beelaha ay kasoo jeedaan, waxaana ka dhex muuqada shakhsiyaad xilal kasoo qabtay Galmudug oo ugu sareeyo Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Xubnahan ayaa intooda badan loo tartansiiyay min labo xubin.

Waxay soo baxeen xilli maamulka Puntland soo saartay Liiskeeda oo ka kooban 11 xubnood.

Wali lamasoo dhammaystirin liiskii lasugayay oo ka kooban 54 xubnood, waxaana jira maamullo aan wali soo gudbin sida Koonfur Galbeed iyo Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM