Jubbaland oo dirtay diyaarad gaar ah oo soo qaada wasiirka dhintay
KISMAAYO, Jubbaland – Madaxtooyadda Jubbaland ayaa maanta shaacisay in diyaarad qaas ah loo diray dalka Hindiya si ay u soo qaado meydka wasiirka geeriyooday ee maamulkaas, Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud.
Marxuumka oo ahaa Wasiirka Waxbarashadda ayaa 8-dii bishaan May ku dhintay magaala madaxda New Dehli, halkaasoo lagu daaweynayey.
Diyaaradda qaaska ah ayaa keeni doonta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, sidda ku xusan qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, kaasoo nuqul kamid ah uu arkay bogga Garowe Online.
Sidda laga soo xigtay bayaanka, diyaarad kale oo gaar ah ayaa kasoo qaadi doonta Addis Ababa si ay u keento xarunta ku meelgaarka Kismaayo.
Iyaddoo maamulka uu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor-diiq ah, haddana waxaa qorshuhu yahay in Aas Qaran loo sameeyo.
"Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo saacadahii lasoo dhaafay ku mashquulsanaa sidii maydka Allah ha u Naxariistee Wasiirka loogu heli lahaa duulimaad keena Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland ayaa goordhow Magacaabi doona gudigii ka shaqayn lahaa Aaska Qaran iyadoo maydka Wasiirka Magaalada Kismaayo la keenayo 09 May 2020 oo ku beegan maalinka barito ah," ayaa la raaciyey warka qoraalka ah.
Maxamed oo kamid ahaa aas-aasayaasha Jubbaland ayaa lasoo wariyey in ku dhowaad shantii bilood ee lasoo dhaafay uu xaalad caafimaad u joogay India, iyaddoo maalmihii u dambeysay ay xaaladiisa kasoo fiicnaaneysay.
GAROWE ONLINE