​Jubbaland oo dooratay Xildhibaankii ugu dambeeyay Aqalka Hoose

Image

KISMAYO, Somalia- Maamulka Jubbaland ayaa maanta oo Khamiis ah soo afjaray Doorashadii aqalka hoose, oo 08, 2016 ka billaabatay gudaha magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ibraahim Maxa'ed Xuseen, ayaa noqday Xildhibaankii ugu dambeeyay oo lagu doorto Kismaayo, isagoo ku guulaystay 47 Cod, waxaana uu soo xiray 43-ka Kursi ee Jubbaland ka heshay aqalka Hoose.

Ergayga QM ee Somalia Michael Keating, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Cabdiraxmaan Odawaa ayaa ka qeybgalay Munaasabada lagu soo xiray Doorashada Kismaayo.

Intii ay socotay Doorashada, waxaa tartaranka laga reebay Wasiirka Batroolka Maxa'ed Ibraahim Mukhtaar, oo Gudiga Doorashada Jubbaland ku eedeeyay Laaluush bixin, Handadaan shaqaalaha Doorashada.

Jubbaland ayaa noqotay maamulkii ugu horeeyay, ee soo afjaro howsha Doorashada Aqalka Hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM