Jubbaland oo ka hor-timid qorshaha cusub ee XF Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka falceliyay habraaca cusub ee kasoo baxay xukuumadda federaalka ah.

Qoraalka oo Axadii soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in dowladdu ay qabaneyso doorasho cusub ayna soo xuleyso Xildhibaanadda Golaha Wakiilada Jubaland.

Hase ahaatee, waxaa arrintaas kasoo horjeestay maamulka Kismaayo oo ku eedeeyay xukuumadda "farogelin, kuna sifeeyay habraaca mid aan dastuuri ahayn".

Wasiirka warfaafinta ee Jubaland, Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed, oo wareysi siiyey BBC-da ayaa xusay in aysan jiri doonin doorasho kale oo la qabanayo.

"Waxaan u aragnaa inay tahay mid sharciga iyo dastuurka dalka u yaala hareer marsan warqadan ay soo saartay wasaaradda," ayuu ku daray hadalkiisa.

Dhinaca kale, Mr Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in ay qaban doonan munaasabada caleema saarka Axmed Madoobe.

Balse wasiirka ma uusan shaacin waqtiga ay qabsoomeyso. Waxaase xusid mudan in ay dib uga dhacday mudadii hore oo ahayd 26-ka September.

Baaqashadda ayaa timid ka gedaal markii Villa Soomaaliya ay xayiraad dhanka socdaalka ah ay saartay Kismaayo, taasi oo caqabad ku noqotay martida.

Hogaanka dowladda federaalka ayaa lagu eedeeyay in ay dooneyso in doorashada Jubbaland ay kasoo baxdo natiijo ka qoslisa, taasi oo ay waji gabax kala kulantay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM