Jubbaland oo maamul u soo magacaabaysa Baardheere [Dhageyso]

Image

July 23, 2015 (GO)- Dawlada Jubbaland ayaa sheegtay inay maamul u samaynayso degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay maamul u samaysanayaan degmada Baardheere, kadib markii ciidamada huwanta ay kala wareegeen kooxda Al-shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland qabsashada Baardheere ay ku wehliyeen ciidamada AMISOM, waxaana uu xusay inay tahay degmada kaliya ee ururka Al-shabaab ka haysteen gobolka Gedo.

Cabdinuur ayaa tilmaamay  in xaalada magaalada ay tahay mid degan ayna jiraan howl galo ay wadaan qaybo kamida ciidamada si loo xaqiijo ammaanka, waxaana uu sheegay inuu jiro qorshe ay Al-shabaab uga saarayaan deegaanda  maamulka Jubbaland hoos yimaada.

Degmada Baardheere oo in ka badan shan sano ururka Al-shabaab ka talinayeen ayaa shalay gacanta u gashay ciidamda huwanta ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Khatarta Dagaalyahanno Shisheeye oo Tababar Qaatay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad ugu eedeeyay Xuutiyiinta inay hub u gudbiyeen Al-Shabaab iyo Daacish.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:47AM

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM