Jubbaland oo shaacisay 70 kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqdey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 70 kiisas cusub oo ah safmarka dilaaga ah ee Coronavirus.

Mursal Maxamed Khaliif, wasiirka wasaaradaas oo la hadlay Jubbaland Tv, ayaa tilmaamay in bukaanada ay kamid yihiin 106 oo la baarey.

Dr Khaliif oo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas ku daray in dhamaan shaqsiyaadkan ay yihiin dhalinyarro ay da'doodu u dhaxeyso 20-40 jir.

Xaaladahan cusub ee soo kordhay ayaa tiradda guud waxay ka dhigayaan 134, sidda ku xusan warbixin wasaaradda caafimaadka Jubaland.

"Illaa iyo haatan, waxaa la xaqiijiyey shan dhimasho, Ilaahey ha u naxariisto, iyo 11 ka caafimaadey," ayuu hadalkiisu ku daray wasiirku.

Wasiirka oo sheegay in ay xoojinayaa wacyi-gelinta ayaa dadweynaha gaar ahaan da'yarta ku tartarsiiyey in ay sarre u qaadaan taxadarka kuna dhaqmaan talooyinka iyo fariimaha ka imaanaya xukuumadda.

Guud ahaan Soomaaliya, waxaa laga xaqiijiyey 1,573 kiisas oo ah Covid-19, dhimashadu waxay sii cagageyneysaa 61, halka bukaanada ka bogsaday ay marayaan 188, sidda ay maanta sheegtay dowladda federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM