Jubbaland oo sheegtay in la joojiyay dhismaha xadka Somalia

Image

16 November, 2015(GO)-Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Luga-dheere ayaa sheegay in dowladda Kenya joojisay darbiga ka dhisaysay xadka u dhaxeya Somalia iyo Kenya.

Luga-dheere oo waraysi siiyay laanta Afka Somaliga ee VOA ayaa tilmaamay in arrintani ku timi wada-hadal uu la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Ku-xigeenka madaxweyne oo haatan ku sugan Nairobi, ayaa wax laga weydiiyay arrimo ku saabsan dhoofinta dhuxusha iyo Sonkorta ayaa xusay inaysan waxba ka jirin isagoo ku tilmaamay warar ay fidiyeen dad dano siyaasadeed ka leh.

Mudooyinka waxa soo baxayay baaqyo iyo cabashooyin laga muujinayay darbiga dowladda Kenya sheegtay inay ka dhisayso xadka u dhaxeeya labada dal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM