Jubbaland oo soo dhaweysay wafdi ka qeybgalaya caleema saarka

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Qeybta koowaad ee wafuuda kala duwan ee ka qeybgaleysa caleema saarka madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa lagu soo dhaweeyay Kismaayo.

Madaxweyneyaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Shariif Xasan Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa qayb ka ah wafdiga maanta ka degay xarunta KMG maamulkaas.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ah, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay 40 ayaa kasoo muuqday mas'uuliyiinta Sabtidan lagu qaabilay madaarka Sayid Maxamed Cabdulle.

Madax ay kamid yihiin labadda ku xigeen ee Axmed Madoobe iyo saraakiil kale oo madaxtooyadda kamid ah ayaa xubnahan u sii gal-biyey baraha loogu talogalay kahor maalinta xafladda.

Warbaahinta ku hadasha afka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxay baahisay in madax kale ay kusoo wajahan yihiin magaaladda dekadda leh.

Diyaaradda siyaasiyiinta ka dejisay xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa lagu waramayaa in uu leeyahay maamulka Kismaayo ayna ka timid Nairobi, caasimadda Kenya.

Talaabadan ayaa kusoo hagaageysa iyadda oo dowladda federaalka ah ay ku amartay diyaaradaha tegaya Kismaayo in ay soo maraan Muqdisho si hubin loogu sameeyo.

Xafladda caleema saarka ayaa lagu waday in ay qabsoonto 26-ka September balse xayiraadaas dhanka socdaalka waxay ku keentay in ay baaqto walina lama shaacin waqti kale.

Villa Soomaaliya ayaa madaxweynihii 7aad ee dalka, Sheekh Shariif Axmed, waxay bishii hore ka hor-istaagtay in uu ka dhoofo Muqdisho una kicitamo Kismaayo si uu kaga qeybgalo xafladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM