Jubbaland oo xukuntay askari "dilay" darawalka mas'uul dowladeed

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Maxkamadda Ciidamadda Jubbaland ayaa maanta oo Axad ah waxay dil toogasho ku xukuntay askari lagu eedeeyay dilka darawalkii Hantidhowraha dowlad goboleedkaas.

Anas Axmed Islaam, 30-jir oo ku dhashay Buur-gaab kana mid ahaa ilaalada Hanti-dhowraha, ayaa lagu soo oogay "in uu si bareer ah u toogtay marxuum Aadan Cabdi Bille, Alle ha u naxariistee, 28-kii May".

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dilka uu ka dhacay guriga hantidhowraha oo ku yaala xaafada Gaboora ee Kismaayo abaare saddexdii subaxnimo ee maalintaas.

Islaam oo iska difaacay eeda ayaa ku adkeystay in aysan ku talagal ahayn dilka isla markaana ay rasaasta "kaga fakatay" marxuumka.

Hase ahaatee, markhaatiyeyaal uu ku jiro askari kale oo la dhashay marxuumka, ayaa u sheegay garsooreyaasha in dilku "ola kac ahaa" iyagoo ku doodey in Islaam isku dayey in uu goobta ka baxsado.

"Waxaan meesha ugu soo galnay isagoo aflagaado geysanaya oo la dagaalamaya dadkii isku dayey in ay qabtaan oo saddex xabadood kale ayuu ku tuuray balse ay ka badbaadeen," ayay raaciyeen.

Gaashaanle Dhexe, Bashiir Maxamuud Xareed, gudoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamadda Jubbaland, ayaa xusay in go'aanka maxkamadda uu ka furan yahay rafcaan 30 casho ah.

Jubbaland ayaa kamid ah degaanada Soomaaliya ee xukunada ay ridaan maxkamadaha ciidamadda gaar ahaan dilalka ay ku lug-yeeshaan askarta la fuliyo, talaabo lagu macneeyay "dadajinta cadaaladda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM