Juxa "Meeqaamka Puntland hoos ayuu u dhacay" [DHEGEYSO]

Image

July 12, 2015 (GO)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in Puntland hoos uga dhacday meeqaamkii ay joogtey sanado kahor, marka laga hadlayo qaabka ay ula gorgortanto Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Juxa oo kamid ahaa xubnihii metelayey qaybaha bulshada ee maanta lagu casumey fadhigii baarlamaanka Puntland uga doodayeen xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland, wuxuu sheegay in go'aamada tirada badan isna-diidan ee isugna jira heshiisyada iyo xiriir jaristu hoos u dhigeen tix gelintii loo hayey Dowladda Puntland.

Wuxuu sidoo kale wxa laga xumaado ku tilmaamay in arrintani soo gaarto heer Golaha Wakiilladu ka doodaan, dadweynahana su'aalo laga weydiiyo, maadaami xilligii hore arrimaha noocan oo kale ah Golaha Wasiirradu go'aan adag ka qaadan jireen.

Cabdi Faarax wuxuu dhanka kale dardaaran culus u jeediyey Golaha Wakiillada Puntland isagoo ku booriyey inaysan ku ekaan baaq oo keliya balse ay mowqif qeexan iyo xeerar adag kasoo saaraan arrimaha masiiriga ah ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland, sida xuduudaha, dastuurka iyo khayraadka dabiiciga ah.

Hadalka Juxa ayaa imaanaya xilli xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalku uusan wanaagsaneyn, islamarkaana maanta Golaha Wakiillada Puntland ka gaabsadeen inay go'aan cad ka qaataan halka uu ku dambeynayo xiriirka ka dhexeeya labada dhinac [Puntland iyo Dowladda Federaalka]

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM