Kaamirooyinka qarsoon ee jidadka Muqdisho oo ilaalo "loo sameynayo"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku fekereysa in ay ilaalo gaar ah u sameyso kaamirooyinka qarsoon ee ku xiran qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho, sida uu shaaciyey Xildhibaan.

Mudanaha ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka dalka ayaa sheegay in qorshahaas loo diyaarinayo ciidamo gaaraya 600, kuwaasoo "loo bixin doono Ururka ilaalada Kaamarooyinka".

Hadalada kasoo yeeray Axmed Macalin Fiqi ayaa imaanaya xili kaliya sanadkaan gudahiisa ay Al-Shabaab laba jeer beegsatay kaamirooyinka oo dhejintooda ay ku baxday malaayiin Doolar.

"Kaamarooyinkii lacagaha malaayiinta Dollar ah ay ku baxeen oo isna ilaalin waayay, wax ilaaliyana waayey," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee xiriirka bulshadda si gaar ah Facebook.

Sharci-dejiyaha aya xoojiyey shaki ka dhashay qaabka loo qarxiyey kaamirooyinka oo dhamaan goobaha la beegsaday tusaale ahaan isgoyska Dabka ay joogaan Ciidamadda ammanka.

"Meeshan la qarxiyey Ma ahan jidka warshadaha ama soddonka ee waa jidka ugu mashquulsan Muqdisho ee Makka Almukaramah, nimanka jidkaan iyo kaamarooyinka ay ku xireen Shabaab ka ilaalin waayey ayaa na leh xadka ayaan ciidamo ilaaliya u dirnay! Sidaan macquul ma ahan," ayuu raaciyey Fiqi, oo laga soo doorto maamulka Galmudug.

Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka ayaa maamusha kaamirooyinka oo "looga hortagayo falalka liddiga u ah amniga oo hoos u dhac bilooyinkii lasoo dhaafay".

"Waxaa igu maqaal in ciidamo 600 gaaraya loo qorshaynayo In kaamarooyinka ay waardiye ka qabtaan oo loo bixin doono “Ururka ilaalada Kaamarooyinka”. Inta aan ka ahayn shacabka Muqdisho ilaalo ayay leeyihiin oo loo sameeyey!" ayuu hadalkiis kusoo xiray Axmed Macalin.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa mar sii horeysay su'aal kaga keenay kaamirooyinka oo qeybtooda ay tibaaxeen in lagu rakibay nawaaxiga hoygooda, talaabadaas oo ay tuhunsan yihiin in dhaqdhaqaaqooda lagula ka soconayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM