Kalfadhiga Barlamanka Somalia oo dib loo dhigay

Image

17 Octobar, 2015(GO)-Kalfadhiga Barlamanka Somalia oo qorshuhu ahaa inuu furmo 21 bishan ayaa dib loo dhigay muddo dhan Afar cisho sababa lagu sheegay diyaarinta ajandayaasha kalfadhiga 7-aad ee Barlamanka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliyeed Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xusay in Xildhibaanada kalafadhigooda yeelan doonaa 24 Octobar, 2015, wuxuuna ugu baaqay inay dalka ku soo laabtaan ka hor intuusan furmin.

“Dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka oo ku qorsheysnaa 21ka Octobar, 2015 dib loo dhigay 25ka Octobar, 2015 si loo dhammeystiro howlaha la xiriira diyaarinta ajendayaasha Kalfadhiga” Ayuu yiri Jawaari.

Arrintan ayaa imaanaysa Xilli Gudoonka sare iyo xildhabanada qaybtood ku mashquulsanaayeen mooshin laga keenay Madaxweynaha Somilia, kaasi oo dhawaan la shaaciyay in xal laga gaaray, waloow qayb ka mid ah saxiixayaasha mooshinka ka soo horjeesteen.

Labo kalfadhi oo qura ayaa uga haray waqtiga Mudanayaasha Barlamanka Somalia oo kala ah Kalfadhiga 7-aad iyo 8-aad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM