Kalkaalisadii ugu horeysay oo Muqdisho ugu geeriyootay Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Zamzam Cali ayaa waxay noqotay kalkaalisadii ugu horeysay oo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ugu geeriyootay cudurka safmareenka ah ee Covid-19, sidda laga soo xigtay qoyskeeda.

Marxuumadda ayaa la shaqeyneysay Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah iyo Isbitaalka sidda gaarka ah loo leeyahay la yiraahdo Kalkaal. Waajibaadka ayay gudaneysay gelin.

Sidda ay wararku sheegayaan, Zamzam ayaa kamid ahayd laba qof oo la xaqiijiyey in ay Sabtidii u dhinteen caabuqa sidda fudud u faafa.

Guud ahaan Soomaaliya, tiradda geerida ee ka dhalatay xanuunka ayaa gaareysa 18, oo ay ku jiraan laba Xildhibaan oo mid federaal yahay, kan kalena uu ka tirsanaa baarlamaanka HirShabelle.

"Waxay nafsadeeda u hurtay si ay u caawiso dadkeeda. Ilaahey ha u naxariisto, kuna abaalmariyo Jannatu Firdowsa. Dhab ahaantii waa Shahiid," ayuu yiri sarkaal caafimaad oo magaciisa ka gaabsadey.

Horey waxaa loo xaqiijiyey dhakhaatiir uu ku dhacay xanuunka, kuwaas oo shaqada laga fasaxay kuna sugan hoygooda si aysan u faafin.

Maadaama dhimashadda ay si tartatiib ah ugu kordhineyso si maalinle ah, xukuumadda ayaa ku boorisay dadweynaha in ay ku waana-qaataan isla markaana ay ka fogaadaan goobaha ay dadka ku kulman iyo taxadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM