Kenya: Al-shabaab oo muddo kooban qabsatey tuulooyin

Image

June 2, 2015 (GO)- Kooxo ka tirsan Al-shabaab ayaa muddo kooban la wareegey gacan ku haynta tuulooyin hoos taga degmada  Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Warkan waxaa xaqiijiyey Bilow Keerow oo ah mudane ka tirsan aqalka sare ee baarlammaanka Kenya, kaasoo laga soo doorto degmada Mandheera.

Keerow oo u waramay idaacadda BBC ayaa u sheegay in mileeshiyaadka Al-shabaab tageen tuuloon ay kamid yihiin Gaari iyo Finnow, halkaasoo ay dadka ugu khudbadeeyeen kaddibna ay isaga baxeen.

" cabsida ugu weyn ee aan qabnaa waa inay jidka galaan oo ay dhibaato iyo qaraxyo la beegsadaan dadka jidadka muhiimka ah maraya...dowaldda Kenya waan kala hadlay inay arrintan sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabato" ayuu yiri.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa  labo todobaad kadib markii dagaalyahanno Al-shabaab ka tisani sidan oo kale muddo kooban ula wareegeen tuulada Yuumbis, halkaasoo masjid ku yaalla ay muddo labo saac ku dhow dadka ugu khudbeeyeen.

May 26, 2015  Al-shabaab ayaa jidka u gashay ciidamo boolis ah oo kusoo jeedeeyey tuulada Yuumbis, weerarkaasoo sida la sheegay ciidamo badan oo Kenyan ah lagu diley, inkastoo dowladda Kenya beenisey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM