Kenya: Ciidankeena ka ma baxayaan Somalia

Image

17 November, 2015(GO)-Wasiirka gaashaandhigga Kenya Raychelle Omamo, ayaa sheegtay in ciidamadooda Soomaaliya jooga ay AMISOM ku sii jiri doonaan inta laga gaarayo ujeeddooyinkii loo aas’aasay AMISOM.

Omamo, oo wareysi siisay BBC, ayaa ka war celisay baaqii xubnaha xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee Sabtidii tagtay ka soo yeeeray, kaas oo ahaa in Kenya ay ciidamadeeda si deg deg ah ugala baxdo dalka Soomaaliya, si loo dhiso jawi ku saleysan kalsooni iyo is aaminaad.

Waxay Omomo sheegtay in ciidamadeeda Soomaaliya jooga ay ku ku shaqeeyaan tilmaamooyinka ay AMISOM bixiso, oo Soomaaliya aysan iska joogin, balse ay u joogaan Midowga Afrika iyo beesha caalamka oo taageeraya howlgalka AMISOM iyo xasilinta Soomaaliya.

Waxay sheegtay in muhiimaddooda tahay inay diiradda saaraan xasilinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda al-Shabaab.

Xigasho: VOA

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM