​Kenya oo Duqeyn ku dishay horjoogayaal katirsan Shabaab

Image

KISMAYO, Somalia- Diyaarado ay leeyihiin militariga Kenya ayaa Weerar dhanka cirka ah ka fuliyay deegaanka Kamjaroon oo kuu yaalla duleedka magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Deegaanka,  ayaa magaalada Kismaayo u jira 90KM. Wararka ayaa sheegaya in dhowr horjooge oo katirsan Al Shabaab lagu dilay Duqeynta cirka.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in Al Shabaab  dadka kula dhaqaaqaan qab qabsho ku aadan inay ku tuhmaan bixinta macluumaad ku aadan weerarka Diyaaradeed ee KDF.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee weerarka ka dhacay deegaanka Kamjaroon, oo Al shabaab ay maamusho, balse wararka uu Warsidaha ka helay Illo-wareedyo ku sugan halkaasi ayaa sheegaya inuu jiro khasaarooyin kala duwan.

Weerarka ayaa kusoo beegmay xilli Wasiirka difaaca Kenya Raychelle Omamo ay Booqasho ku tagtay saldhigyada ciidamada Kenya ee ku yaalla gobolka Jubbada hoose, si ay ugala qeybgasho Christmas-ka.

Muddooyinkii dambe waxaa sii kordhaya weerarada ay fulinayaan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Somaliya (AMISOM), kuwaasi oo ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Ciidamada Kenya ayaa lagu dhaliiyay inay ka gaabiyeen la dagaalanka Al shabaab, waxaana ay tan iyo markii ay soo galeen dalka Oct, 2011 ay ku sugan yihiin goobihii xilligaasi ay kala wareegeen Al shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM