Khadiijo Diiriye oo Aas Qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii haweenka xukuumadda Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa lagu aksay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Madaxda qaranka iyo mas’uuliyiin kale ayna ka qeybgalay munaasabada duugta oo ka dhacday isbitaalka xoogga dalka ee Muqdisho.
Qaar kamid ah mas’uuliyiinta goobjoog u ahaa aaska ayaa waxa ay ka hadleen warbaahinta ayaga oo naxariista elle u rajeeyay marxuumadda.
Khadiijo Diiriye oo ka tagtey qoys ballaaran ayaa soo qabatay xilal isugu jira wasiir iyo xildhibaano dowladihii isaga kala dambeeyay Soomaaliya tan ibo sanadkii 2000.
GAROWE ONLINE