Khadka taleefanada oo dib u shaqeeyey gobolada Jubooyinka

Image

KISMAYO, Jubaland- Waxaa dib u shaqeeyey khadka taleefanada kadib markii uu maanta ka go'naa gobolalada Jubooyinka kasoo ay ku jirto magaalada Kismayo.

Shirkadaha Hawada ka maqnaa maanta ayaa waxaa kamid ahaa Nation link iyo Hurmuud kuwasoo ka howlgala gobolada Jubooyinka. 

Wararka ka imaanaya magaalada Kismayo ayaa sheegaya in taleefanada ay jareen kooxda Al shabaab kuwasoo ciidamdooda maalmihii ugu dambeeyey weerar oo ka gaysanayeen degaano ka tirsan maamulka Jubaland.

Kooxda Al shabaab ayaa weerar ay dhowaan ka gaysatey degmada Afmadow ka jartey taleefanada intii duulaan ku soo qaadin.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah maanta ka dhacdey degaano ka tirsan gobolka Jubada dhexe.

Ururka Al shabaab ayaa soo kordhiyey dhowaan weerarada uu la beegsanayo ciidamada AMISOM iyo kuwasoo dowlada Federaalka kadib markii degaano ka tirsan gobolka Bakool iyo Hiraan dib u qabsadeen.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM