Khadka taleefanada oo dib u shaqeeyey gobolada Jubooyinka

Image

KISMAYO, Jubaland- Waxaa dib u shaqeeyey khadka taleefanada kadib markii uu maanta ka go'naa gobolalada Jubooyinka kasoo ay ku jirto magaalada Kismayo.

Shirkadaha Hawada ka maqnaa maanta ayaa waxaa kamid ahaa Nation link iyo Hurmuud kuwasoo ka howlgala gobolada Jubooyinka. 

Wararka ka imaanaya magaalada Kismayo ayaa sheegaya in taleefanada ay jareen kooxda Al shabaab kuwasoo ciidamdooda maalmihii ugu dambeeyey weerar oo ka gaysanayeen degaano ka tirsan maamulka Jubaland.

Kooxda Al shabaab ayaa weerar ay dhowaan ka gaysatey degmada Afmadow ka jartey taleefanada intii duulaan ku soo qaadin.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah maanta ka dhacdey degaano ka tirsan gobolka Jubada dhexe.

Ururka Al shabaab ayaa soo kordhiyey dhowaan weerarada uu la beegsanayo ciidamada AMISOM iyo kuwasoo dowlada Federaalka kadib markii degaano ka tirsan gobolka Bakool iyo Hiraan dib u qabsadeen.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM