Khasaaraha dhimasho ee weerarkii Suuqa Bakaaraha oo kordhay

Image
Dadka geeriyoodey ayaa u badan ganacsato lahayd mehradaha lagu iibiyo agabka elektaroonika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay Talaadadii shalay ahayd gudaha suuqa aadka u mashquulka badan ee Bakaaraha ee ku yaaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kadib qaraxyo dhowr ah.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo dhanka caafimaadka ah, dhimashadda ayaa u badan ganacsato lahayd mehradaha lagu iibiyo agabka elektaroonika kuwaas oo ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen.

Saddex kalkaaliye caafimaad oo ka tirsan Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in in ka badan 20 qof oo dhaawac ah la keenay xaruntooda.

Lama oga sababta ka dambeysay qaraxyadan, inkastoo kooxda Al-Qaacida ee xiriirka la leh Al-Shabaab ay si joogto ah qaraxyo uga fuliyaan gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho.

Balse, saraakiisha ammaanka waxa ay caddeeyeen in ay waddaan baaritaan ku saabsan waxa sababay weeraradan halka dadka qaarkood ay sheegayaan in ay ka dhasheen hoobiyeyaal.

Al-Shabaab ayaa muddo sanado ah dagaal kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamo nabad ilaalin ah oo Midowga Afrika (AU) ay u xilsaaran yihiin.

Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku badan ganacsato, waxaana inta badan dadka ku dhaqan ay maalin walba ka iibsadaan cunnada, dharkooda, dawooyinkooda, qalabka elektaroonigga ah iyo agabka kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM