Khasaaraha ka dhashay rasaasta loo riday xuskii 26-June ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ku dhowaad tobban [10] qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyey in ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen rasaastii la riday habeenkii dabaaldega 26-ka June ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Isbitaalka Daaru Shifa ayaa la geeyay saddex bukaan ah oo ay ku jiraan hooyo waayeel ah iyo cunug yar, halka Isbitaalka Madiina la dhigay shan bukaan, sidda ay Garowe Online u sheegeen maamulkooda.

Taliska Booliska Soomaaliya oo qiray in ay jirto waxyeelo ka dhalatay rasaasta la riday habeenkaas ayna xabado habow ah guriyahooda ugu tagtay dad shacab ah ayaa ka gaabsaday tafaasiisha.

Inkasta oo si dhab ah aan loo xaqiijin karin cidda ridday rasaasta shacabkaan waxyeelada kasoo gaartay maadaama hubka cid walba uu gacanta ugu jiro, haddana waxay u badan tahay ciidanka dowlada.

Tani ayaa sarre u qaadeysa walaaca iyo cabsida dadweynaha ee ku aadan sidda ay noqon karto dabaaldega nagu soo fool leh ee 1-da Luulyo.

Xuskii 26-June ayaa ku baagnaa 60-sano guuradii kasoo wareegatay markii gobolada waqooyi ay xorriyadooda ka qaateen Ingiriiska; 1-da July waa maalintii ay xorriyadda kala soo noqdeen gobolada koonfureed.

Farxad murugo isku bedeshay

Isla taariikhdaas waxay ku beegan tahay maalintii ay midoobeen gobolada Koonfur iyo Waqooyi lana dhisan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Casiisa Sheekh Cali, bukaan 85-jir lana dhisay Isbitaalka Daaru Shifa, ayay wiifto dhaawacdey iyaddoo qoyskeeda ay ugu dabaaldegayeen xuska 26-ka gurigooda oo ku yaala xaafadda Tookiyo ee magaalada caasimadda ah.

Maamada iyo reerkeeda ayaa kasoo qaxay tuulada Shaan-garo, nawaaxiga Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sabab la xiriirta dagaalada halkaas ku dhexmaray ciidamadda dowladda iyo xoogaga Al-Shabaab.

Sidda ay sheegeen dhakhaatiirta, Casiisa ayaa xaaladeedu culus tahay maadaama ay xabada kaga jirto naaska hoostiisa, ayna adag tahay in laga soo saaro, sabab ku aadan in xabadda ay ku dhegan tahay xidido badan.

"Dowladda waxaan ka codsaneynaa in maadaama xafladda 1-da la joojin karin; caruuraa ayaa noo joogto, in xabadaha la ridayo nagala daayo oo bulaleer lagu bedelo, umaddana dhibka laga daayo," ayuu yiri qof ka tirsan ehelka Maama Casiisa oo la hadlay telefishinka maxaliga ah ee la yiraahdo Universal.

Shacabka Muqdisho ayaa horey ula daalaadhacayey weerarada kooxaha kasoo horjeeda dowladda, waxaana muuqaneysa markaan in nafsadooda ay halis kala kulmeyso rasaasta loo rido dabaaldegayada sidda kuwa xoriyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Saleebaan Gaal oo ku Baaqay in Maxaabiista SSC-Khaatumo Si Shuruud La'aan ah loo sii daayo

Saleebaan ayaa dhaliilay shuruudda ay SSC-Khaatumo ku xirtay sii deynta maxaabiista, oo ah in Somaliland aqoonsato madax-bannaanidooda.

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 12:16PM

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM