Khasaaraha qaraxii Al-Shabaab ee Muqdisho oo kordhay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee Al-Shabaab ay xalay ku qaadey maqaayadda Luul Yemeni ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa kordhay, sidda ay muujinayaan xogaha laga helayo illaha caafimaadka.

Sadiiq Aadan Cali, afhayeenka booliska Soomaaliya oo goobta wax ka dhaceen kula hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa shaaca ka dhigay in 10 qof ay ku naf-waayeen weerarkaas, sodomeeyana kalena uu dhaawac kasoo gaarey – dhibaneyaasha badankooda waa mid shacab ah.

Gaadiidka gurmadka Aamiin Ambulance ayaa shaaca ka dhigay in ay goobta qaraxu ka dhacey ka qaadeen 20 meyd, iyo 30 dhaawac ah – tiraddaan waxay ka badan tahay inta uu shaaciyey booliska Soomaaliya.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas ayaa xustey in ay ku beegsatay saraakiil ka tirsan ciidanka Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay Mr Cali, weerarkaan waxaa loo adeegsaday mootadda nooca saddexda lugood leh taasoo walxo qarxa lagu rakibay.

"Sidoo kale, waxaa jira khasaaro maaliyadeed oo ah burbur soo gaarey dhismeyaal ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen," ayuu Sadiiq Doodishie ku daray.

Maqaayadda Luul Yemeni waxaa ku dhow dekadda weyn iyo Xabsiga Dhexe ee ee magaala madaxda dalkan dhaca Geeska qaarada Afrika.

Weerarkan ayaa kusoo hagaagay saacado kadib markii digniino la xiriira qaraxyo ka dhici kara caasimadda ay kasoo baxeen safaaradaha dalalka reer Galbeedka ee xaruntooda ay tahay xerada Xalane ee Muqdisho.

Ammaanka Muqdisho ayaa u muuqanaya mid habac-sanaan buuran ay ka jirto, iyadda oo hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda waqtiga ka dhamaadey iyo Midowga Musharaxiinta uu meel culus marayo isla markaana wali aan is-faham-buuxa laga gaarin qabsoomida doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM