Khasaare ka dhashay dagaal ka dhacay Gedo [Dhageyso]

Image

26 August, 2015 (GO)- Afhayeenka maamulka Jubbaland ee gobolka Gedo Nuur Sayax Xareed oo u waramayay Radio Garowe ayaa ka hadlay dagaal dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamada huwanta ah ee ku sugan gobolkaasi.

Nuur Sayax ayaa sheegey inay ka dileen Al-shabaab 21 ruux halka ay gacanta ku hayaan 3 Sarkaal oo ka tirsanaa ururkaasi iyo gaari ay u saarnayd saanad Milatari.

Dhankooda waxa uu sheegey inay ka dhinteen Shan askari oo uu ku jiro Taliyihii saldhiga Dooloow iyo gudoomiye ku xigeenkii Balad-xaawo,halka dhaawacoodu gaarayo 7 qof.

Dagaalkan ayaa ka dhacay Tuulo Barwaaqo oo 18km u jirta degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Xaalada deegaanadaasi ayaa lagu soo waramayaa inay haatan dagantahay, waxaana dhaawacyada dowladda loo qaadey degmada Garbahaarey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM