Khasaaro ka dhashay dagaal dhexmaray shacab iyo Al-Shabaab

Image

GAALKACYO, Soomaaliya – Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal maanta koonfurta gobolka Mudug ku dhexmaray dadka degaanka iyo dagaalameyaal ka tirsan maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Iska hor-imaadka ayaa si gaar ah uga dhacay degaanka Shabeelow oo 25 KM dhanka bari kaga aadan degmada Bacaad-weyn.

Sidda ay wararku sheegayaan, isku-dhaca ayaa ka dambeeyay markii ay Al-Shabaab weerartay tuuladda ayna dishay Macalin dugsi Qur'aan. Lama ogga sababta dhabta ah ee keentay dilkaas.

Ciidamadda xoogga Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 21aad oo farisiin ku leh duleedka Bacaad-weyn ayaa u gurmaday shacabka.

Axmed Daahir, gudoomiyaha Bacaad-weyn oo u waramay warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyey in khasaaraha uu labada dhinac soo gaarey, hase ahaatee, uusan ka war-qabin dhanka xoogaga hubeysan.

"Koley dagaal baa dhacay; markuu dagaal dhacana khasaaraha labada dhinac wuu soo gaarayaa. Todoba qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Illo wareedyo ayaa tilmaamay in shacabka ku dhaawacmay dagaalka loosoo qaadey magaalada Gaalkacyo si loo daaweeyo.

Maxamed Axmed Cali, oo kamid ah dadka degaanka, ayaa difaacay dagaalka ay galeen Al-Shabaab, isagoo tibaaxay in ay ku badbaadinayaan xoolahooda iyo nafsadooda oo ay kooxda "khatar ku tahay".

"Diinta Islaamka waxay qabtaa in aad nafsadaada iyo maalkaaga ka badbaadsato wax walba oo halis ku ah," ayuu hoosta ka xariiqay.

Mahad Cabdalla Cawad, ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo dhimashada shacabka gaarsiiyey sagaal ruux, ayaa ugu baaqay Galmudug iyo dowladda federaalka in ay u gurmadaan rayidkaas.

"Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadka lagu xasuuqay deegaanka Shabeelow Gobolka Mudug. Xasuuqa ay Shabaab ka geysteen deegaankaas waxaa lagu laayay shacab ugu yaraan 9 qof ah laguna dhaawac 5 qof oo guryahooda jooga. DFS iyo maamulka Galmudug jawaab degdeg waa inay ka bixiyaan falkaas," ayuu yiri.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa koonfurta iyo bartamaha kusoo xoogeysanayey ololaha iska-caabinta Al-Shabaab oo ay dadka shacabka hogaaminayaan, wallow aysan taageero ka helin maamulada iyo dowlada federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM