Khasaaro ka dhashay madaafiic lagu garaacay agagaarka xerada Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laba qof oo shacab ah ayaa lagu waramay in ay ku dhaawacmeen madaafiic xalay lagu weeraray agagaarka xerada Xalane iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Hoobiyeyaasha ayaa tiradooda gaareysay afar, sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen dadka degaanka ah meesha ay wax ka dhaceen.

Lama ogga haddii tirro kamid ah madaafiicda ay gudaha ugu daateen qaybo kamid ah saldhiga iyo madaarka magaala madaxda waddanka.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkaas oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda federaalka ah iyo maamulka saldhiga Xalane.

Dhanka kale, Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda falkaas ayaa intaas raacisay in madaafiicda ay ku dhaceen gudaha xeradda.

Balse, warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa nan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadooda.

Dhowr jeer ayay horey u dhacday in weerar noocaan ah lagu ekeeyo xerada Xalane oo fariisin u ah diblumaasiyiinta safaaradaha caalamka iyo taliska howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya Midowga Afrika ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM