Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalana way ku dhaawacmeen qarax miino oo caawa ka dhacay isgoyska KM4 ee bartamaha magaala madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari nooca aan xabadda karin oo marayey wadada kaasoo aan la ogeyn cidda saarneyd ama iska lahayd wallow gaadiidkan ay adeegsadaan mas'uuliyiin.

"Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxay ahaayeen rayid saarnaa Mooto Bajaaj," ayuu yiri qof kamid ah goobjoogeyaasha oo khadka telefoonka ugu waramay warsidha Garowe Online.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, waxaa dhacdooyinka noocaan ah aalaaba looga bartay in ay dusha saartaan maleshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab.

Warar aan wali si rasmi ah loo xaqiijin ayaa tilmaamaya in gaariga la qarxiyey ay wateen ciidamadda booliska sidda gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya.

"Qaraxa wuxuu dhacay iyadda oo gaariga uu marayo inta u dhaxeysa kontaroolka laga ilaaliyo amniga garoonka diyaaradaha iyo kontaroolka laga sugo ammaanka isgoyska KM4," ayuu yiri goobjoogaha la hadlay GO.

Falalka liddiga ku ah xasiloonida ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay kusoo kordhaya caasimadda iyadda oo dalka qarka u saaran yahay firaaq dastuuri maadaama aan wali lagu heshiin doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM