Khasaaro ka dhashay weerar ay Al-Shabaab qaadey

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Inta la xaqiijiyey sideed qof ayaa ku naf-waayey weerar gaadmo ah oo maleyshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay xalay saqdii dhexe ku ekeeyeen degaanka Jiic-dheere ee koonfurta gobolka Mudug oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

Sidda ay caddeynayaan macluumadyadda, weerarka oo xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku ekeeyeen fariisin ay lahaayeen maleyshiyo degaanka ah ayaa shan kamid ah dadka ku geeriyoodey waxay ahaayeen Al-Shabaab, saddexda kalena dad rayid ah.

"Maadaama maleyshiyada degaanka aysan u diyaarsaneyn, dagaalameyaasha Al-Shabaab waxay si fudud kula wareegeen gacan ku haynta Jiic-dheere. Balse, waxaa kalkii dambe ka saarey ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo gurmad ahaa," ayuu yiri qof degaanka ah.

Degaanka Jiic-dheere ayaa ku yaala duleedka degmadda Bacaad-wayne. Ciidamadda u gurmadey dadka degaanka waxay ka tirsanaayeen Taliska qeybta 21aad oo halkaas fariisin ku leh.

Idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho ayaa sarkaal aysan magaciisa shaacin balse ay wariyeen in uu ka tirsan yahay ciidanka xoogga waxay kasoo xigteen in dagaalka ay ku furteen saanad ciidan.

Al-Shabaab ayaan wali wax war ah kasoo saarin weerarka ay xalay ku ekeeyeen degaanka Jiic-dheere kaasoo kusoo hagaagay xilli dalka isku diyaarinayo doorashooyinka heer federaal.

Bishii November 30-keeda sanadkii hore 2020 ayay ahayd markii Al-Shabaab ay weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay ku ekeysay fariisin ay ciidamadda dowladda ku leeyihiin degaanka Bacaadwayne kaasoo sababay khasaaro naf iyo maal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM