Khayre: Dowlad xumo iyo amni daro darteed ayaan ku waynay Aamino

Image
Musharax madaxwayne ayaa cod dheer ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan. [Photo: Mohamed Maax]

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qeybgalay kulan loogu duceynayey Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo muwaadiniintii kale ee lagu dilay qaraxyadii ka dhacay magaalada Beledwayne, ayaa xusay in ay sababsatay dowlad xumada iyo amni darada ka jirta dalka.

Khayre oo ku amaanay xildhibaan Aamina sida ay go’need u adeegida dadka iyo dowlad-nimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in “Xildhibaan Aamino waligeeda dan shaqsi ah iiguma imaan, waxay ahayd qof bulshada u adeegta.

Khayre oo hadda ah Musharax madaxweyne ayaa ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed in ay cafiyaan xildhibaan Aamino isla markaana ay u duceeyaan maadaama ay dalkaan ugu soo adeegtay waqti adag.

"Waa in aan kuligeen ka shaqayno in aan mar dambe wiil ama gar Soomaaliyeed aysan nooga dhiman dowlad xumo iyo amni daro, oo aan kuligeen gacmaha is qabsanaa," ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Musharax madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa ku booriyay dadkii xafladda ka soo qayb galay in ay is cafiyaan isaga oo dalbaday qofkii wax katabaya in uu iska cafiyo.

“Si aan ugu tusaale qaado walaasheena Aamina, inteena nool ee halkaan isku timid, inteena wax kala gaareen in aan is cafino” ayuu yiri Xasan Cali Khayre oo hadalkii raaciyay “Anigu waxaan codsanayaa in qof walba oo wax iga tirsanaya uu iska kay cafiyo, anigana waa caafiyay”.

Khayre ayaa ku booriyay dowladda in ay la dhamaystiro doorashooyinka dalka waqtii loogu talagalay.

Senatorada Aqalka Sare iyo Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ayaa la filayaa inay dhawaan soo gaaraan Magaalada Muqdisho, si loogu dhaariyo, loona guda galo Doorashada Guddoonada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Waqtiga loo qabtey in lagu dhaariyo mudaneyaasha cusub waxaa ka hartey hal asbuuc iyo bar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM